Xildhibaan Sulub oo ka hadlay sababtii loogu xidhay magaalada Jigjiga

Jigjiga (Aftahannews)- Xildhibaan Usaama Sulub, oo ka tirsan baarlamaanka federaalka dowladda Itoobiya, ayaa shalay lagu xidhay magaalada Jigjiga.

Xildhibaanka, ayaa sheegay in ciidanka qaar kamid ah ay ka qaadeen agoonsigii, iyadoo markii danbe loo dhaadhiciyey jeelka gobolka.

Xildhibaanka, ayaa dhanka kale tilmaamey in loo maleeyey inuu qeyb ka ahaa dibad baxyo ay ka dhasheen dhaawacyo iyo dhibaatooyin kale oo shalay ka dhacay magaalada Jigjiga.

Sulub, ayaa carabka ku dhuftay inuu kusugnaa xiligii la xidhayey guriga reerka xildhibaanadda geeriyootay ee Juweeriya Subcis.

Xildhibaanka, ayaa dhaliilay hab dhaqanka booliiska Jigjiga, isagoo ka dalbadey inay bartaan anshaxa iyo dhawrista xuquuqda dadka, marka ay hawlgalo fulinayaan.

Sulub, ayaa xidhnaa muddo dhan shan saacadood, iyadoo markii danbe maamulka booliska ay dib ugu soo celiyeen xoriyaddiisa.

Dibad baxa ayay dadweynaha magaalada Jigjiga sameeyeen, ka dib markii darraad halkaasi lagu dilay xildhibaanad Juweeriya Subcis.

Xildhibaanadda, ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Jigjiga ku dilay askari ka tirsan ciidanka booliska federaalka Itoobiya. Juweeriya, ayaa ahayd xildhibaanad heer gobol.