Shirka Madasha Wada Tashiga Qaranka oo ka furmay Muqdisho

Muqdisho (Aftahannews)- Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa ka furmay Shirka Madasha Wada Tashiga Qaranka Soomaaliya, iyadoo uu shir guddoominayay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Shirka, ayaa waxaa qeyb ka ahaa ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Xamba Cabdi Barre, maamulka gobolka Banaadir, iyo maamul goboleedyada kale ee Soomaaliya.

Shirka Madasha Wada Tashiga Qaranka, ayaa marar kala duwan waxaa isugu yimid dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada.

Madashan, ayaa dhisan in muddo ah, iyadoo lagu gorfeeyo arrimo kala duwan.