Go’aamo ka soo baxay Shirkii Beesha Garxajis ee Burco

Burco (Aftahannews)- Shirkii magaalada Burco maalmahan uga socday beesha Garxajis, ayaa waxaa laga soo saaray go’aamo xaasaasi ah oo ku aadan xaalada siyaasadeed ee Somaliland.

Go’aamada ay soo saartay beeshani, ayaa waxaa ay eedaymo kulul ugu jeediyeen madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, iyagoona ku eedeeyay in uu sharciga ku xadgudbay.

Sidoo kale, beeshan, ayaan waxaa ay geesta kale soo saareen go’aamo ku aadan arrimaha doorashooyinka ee dalka iyo muddo kordhinta loo sameeyay xukuumadda Madaxweyne Biixi.

Afhayeenka beeshan oo go’aamadan warbaahinta u akhriyay, ayaa sheegay in beeshu ay go’aan ku gaadhay in la helo heshiis ay u dhanyihiin saddexda xisbi kahor inta aanu dhamaan muddo xileedka madaxweynaha Somaliland, si loo qabto doorashadii madaxweynaha.

“Beel waynta Garxajis waxay u taagantahay, wax wada lahaanshihii, niyad wanaagii iyo wadajirkii dadka reer Somaliland ay ku wada dhisteen dowladnimada, beeshu waxa ay go’aan ku gaadhay 13 November ka hor in la helo heshiis ay u dhanyihiin saddexda xisbi oo lagu qabto doorashadii madaxwynaha”. ayuu yidhi.

Waxa uu sheegay in beeshu go’aan ku gaadhay in doorashada madaxtooyada lagu qabto mudadii farsamo ee ay soo gudbiyeen guddida doorashooyinku hadii ay taasi dhici waydana, anay wax doorasho ahi ka dhici doonin deegaamada beeshu dagto.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in beeshu deedifaysay muddo kordhintii golaha guurtidu u sameeyay madaxweynaha Somaliland, isaga oo sheegay in muddo kordhintaasi ay ka hor imanaysay sharciga, isla markaana anay ku iman heshiis loo dhanyahay.

Beesha, ayaa waxay ay ka digtay dhibaato ka dhalan karta jiitanada doorashooyinka Somaliland, waxayna beesha caalamka ugu baaqday in ay soo faragaliso, arrinta doorashooyinka, waxa kale oo ay codsatay in baadhitaan lagu sameeyo dadkii ku dhintay mudaharaadadii 11 Augost.