Muxuu Xasan Sheekh kala hadlay Amiirka Dalka Qatar?

Muqdisho (Aftahannews)- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xidhiidh dhanka khadka taleefoonka la sameeyay Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim Bin Hamad Al-Thani, iyaga oo ka wadahadlay horumarinta xidhiidhka Soomaaliya iyo Qatar.

Labada mas’uul, ayaa sidoo kale wadahadalkooda ku soo qaaday xaaladihii ugu dambeeyay ee diblumaasiyadda iyo arrimaha gobolka ee geeska Afrika.

Sidoo kale, madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxmuud, ayaa Amiir Tamim Bin Hamad hordhigay dalab la xidhiidha gurmadka abaaraha Soomaaliya iyo sidii ay uga qayb-qaadan lahayd xukuumadda Dooxa.

Qatar, ayaa ka mid ah dowladaha carbeed ee taageera Soomaaliya, walow uu isbedal ku yimid xidhiidhkooda, kadib doorashadii 15-kii May oo meesha laga saaray Farmaajo oo ay aad isugu dhowaayeen madaxda Qatar oo 5-tii sano ee u dambaysay taageeraysay.

Wadahadallada Soomaaliya iyo Qatar, ayaa ku soo beegmaya laba maalmood uun kadib markii Soomaaliya ay sagootisay safiirkii Qatar ee Muqdisho, Xasan Bin Xamsa Haashim.

Isbeddalkan, ayaa yimid, ka dib markii ay Qatar safiir cusub u soo magacowday Soomaaliya, kaas oo la yidhaahdo Dr. Abdullah Salem Nasser Al Holi Al Nuaimi.