Somaliland: Xildhibaano ka digay arrin ka dhan ah Gobolka Sool

Hargeysa (Aftahannews)- Xildhibaanada Golaha Guurtida Somaliland ee ka soo jeeda Gobolka Sool, ayaa Sharci Jabin ku Tilmaamay Go’aankii Guddiga Diwaan Galinta Ururadds ee ahaa in degmadda Laascaanood laga doonayo 400 oo Madaxtaabasho ah.

Xildhibaanadu waxay sheegeen in Gobolnimada Sool shaki la galiyey arrinkaasina aanay ahayn wax la aqbali karo, iyagoona sheegey inay Xaqiraad iyo Nusqaamin ay u arakaan go’aanka Guddiga.

Mudanayaashu waxay ku baaqeen in Guddiga Diwaan Galintu ay ku soo laabtaan sharcigii ay Golayaashu Ansixiyeen ee Goboladda dalka simaayey.

Xildhibaanadu Waxay Codsadeen in loo cadeeyo sobobta keentay in Sool Dadkeeda iyo Gobolnimadeeda loola Dhaqmo sidan oo Haaf lagu sheego.

Sidoo Kele, waxay walaac ka muujiyeen in Dadka Xero lagu Xareeyo oo aanay Gobolada kale la qabin.