Jigjiga: Cadho xoogan oo ka dhalatay Dilkii Xildhibaan Juweeriya

Jigjiga (Aftahannews)- Dibadbaxyo xoogan oo lagaga soo horjeedo dilka Xildhibaan Juweeriya Subcis, ayaa ka socda magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, kadib markii shalay askari ka tirsan booliska federaalka Itoobiya uu garoonka diyaaradaha ee magaalada Jigjiga ku dilay xilli uu rasaas ku furay halkaas.

Dadweyne cadhysan, ayaa hor dhooban guriga xildhibaan Juweeriya, waxaanay dalbanayaan caddaalad.

Dadka banaanbaxa samaynayay, ayaa ka cadhaysnaa dilka badheedhka ah ee loo gaystay Xildhibaanad Juweeriya Subcis, dadku waxa kale oo ay ku dhawaaqayeen Erayo ay kamid ahaayeen ” Juweeriya waa inay cadaalad hesho, lama aasayo ilaa ninkii dilay Juweeriya cadaaladda la marsiinyo”.

Taliyaha booliska Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, ayaa sheegay in aanan weli la ogeyn sababta uu askarigaasi xabadda ugu furay dadkii safrayay, balse uu socdo baadhitaan.

Wuxuu intaa ku daray in gacanta lagu soo dhigay Askariga ka tirsan ciidamada Federaalka Itoobiya ee ilaaliya garoonka diyaaradaha ee magaalada Jigjiga, kaas oo rasaas uu furay ay ku dhimatay gabadh ka tirsaneyd xildhibaannada deegaanka Soomaalida ee dalkaas.

Allaah ha u naxariistee Xildhibaan Juweeriya Subcis, ayaa xubin ka ahayd xisbiga Prosperity Party ee uu hoggaamiyo Abiy Ahmed, waxaana ay caan ka ahayd deegaanka Soomaalida.

Geesta kale, Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Cagjar oo ka hadlay dilka xildhibaanada, ayaa shaaca ka qaaday in gacanta lagu soo dhigay askarigii ka dambeeyay falkaasi, wuxuuna tilmaamay in cadaaladda la horkeeni doono.

“Ciidamada amaanka ee Deeganka ayaa gacanta ku haya Gacan-ku-dhiiglihii dilka gaystay, waxaana la marin doonaa ciqaabta uu mutaystay” ayuu yidhi madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Cagjar.

Sidoo kale, wuxuu tacsi u diray ehellada marxuumadda iyo guud ahaan shacabka dowladda deegaanka Soomaalida, isaga oo tilmaamay inuu xanuunka la qaybsanayo.

“Waxaan shacabka Deegaanka la qaybsanaynaa xanuunka iyo tacsiyaha dilka foosha xun ee ay nafteeda ku wayday Allaaha ha u naxariistee Xildhibaan Juweria Subcis oo ka tirsanayd Golaha Baarlamaanka Deegaanka”. ayuu yidhi markale Madaxweyne Cagjar oo war qoraal ah soo saaray.

Dilka xildhibaan Juweeriya, ayaa si weyn looga dareemay dowlad deegaanka Soomaalida, gaar ahaana magaalada Jigjiga.