Baaq ku socda barlamaanka Soomalia Waxa Qoray Xil: Saadiq Cabdulahi Cabdi

Xildhibaan Eng Saadiq Cabdulaahi Cabdi oo ka tirsan Golaha Shacabka Somalia ayaa yidhi Barlamaan waa tiradii guud ee shacabka dalka oo la soo koobay. Xildhibaan walba dad iyo deegaano kooban ayaa codkooda si xor ah ugu soo wakiishay inuu danahooda difaaco, cadkooduna u soo dhiciyo. Inkastoo State X, State Y iyo State hebel xildhibaanadu ay ku yimaadeen si ay uga mid noqdaan Barlamaanka Federaalka Soomaaliya haddana wakiiladu waa kala dano iyo duruufo duwan yihiin, haddase legdinta iyo isriixriixa saxda ee siyaaasadda wuxuu u soo wareegay gudaha Dowladda dhexe ama Barlamaanka DFS, waxaana dhowaan Gudaha Golaha Shacabka ka abuurmi doona kutlooyin xildhibaano ah iyo iskooxeysi siyaasadeed kuwaasoo ku daaban dhinacyo kala afkaar ah oo gudaha iyo dibadba leh.

Siyaasadu ma ahan wax la isu hibeeyo, ama laablakax, muufeysi iyo raadgadasho ee waa xisaab u baahan in si miyir leh wax loo agaasimo, guushaada siyaasadeedna waxay mar walba ku xiran tahay ciyaarta siyaasada ee aad dheesho. Waayo-aragnida siyaasadda Soomaaliya waxaan ka baraney inaan cidna meel laga riixan karin ilaa dhankaada laga arko dabacsanaan & jiljileec siyaasadeed.

Siyaasaddu ma ahan wax sahlan, qof kastaana siyaasi ma noqon karo, siyaasiga uu nasiibka u siiyey in masraxa siyaasadda ka mid noqdo oo aan garan goorta uu aamusi karo iyo goortuu hadli karo, goortuu muuqan karo, goortuu gabban karo, goortuu dagaal-geli karo iyo marka uu nabadgeli karo waa saqiir siyaasadeed, wuxuuna ku dhex dhintaa badweynta siyaasadda Soomaaliya.