Maxaa kala Qabsaday Wasiir Cali Mareexaan iyo Xildhibaanada Golaha Wakiillada?

Hargeysa (Aftahannews)- Wasiirka horrumarinta Biyaha Somalialnd Cali Xassan Maxamed (Mareexaan), ayaa maanta hortagay Guddiga toogta ah ee Deegaanka Khayraadka, dabiiciga ah ee golaha Wakiillada.

Guddiga, ayaa wasiirka la qaatay kulan is xog waraysi ah oo ku saabsan arrimaha khayraadka biyaha, Ceelasha, dhaamamka, siyaasada wasaaradda iyo waxa u qabsoomay sannadkan sii idlaanaya.

Guddiga, ayaa sidoo kale wasiirka Biyaha su,aalo ka weydiiyay waxa u qabsoomay sannadkan wasaaradda iyo waxa u qorahaysanba.

Sidoo kale, Wasiir Mareexaan, ayaa guddiga warbixin guud ka siiyay xogta wasaaraadiisa isagoona uga jawaabay su’aalihii ay weydiiyeen.