Qaraxyo ismiidaamin ah oo ka dhacay gobolka Hiiraan

Beledweyne (Aftahannews)- Wararka naga soo gaadhaya gobolka Hiiraan ee Soomaaliya, ayaa sheegaya in kooxda Al-Shabaab ay laba qarax oo ismiidaamin ah ku bartilmaameedsadeen buundooyinka degmooyinka Buulo-burte iyo Jalalaqsi ee gobolkaasi.

Qaraxa koowaad oo ka dhacay agagaarka buundada Jalalaqsi, ayaa waxa ku geeriyooday Guddoomiyaha degmada, Maxamed Cumar Dabaashe, sida ay baahisay warbaahinta dowladda Soomaaliya.

Ciidamada amaanka, ayaa rasaas ku furay gaadhi laga soo buuxiyay walxaha qarxa ka hor inta aanu gaadhin buundada oo bartilmaameedka ugu weyn uu ahaa.

Sidoo kale, qaraxa labaad oo ahaa mid aad u xoogan, ayaa jugtiisa laga maqlay dhamaan xaafadaha degmada Buulo-burte, waxaana la soo warinayaa in uu ahaa gaadhi noociisu yahay Homey oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qaraxa.

Qaraxan, ayaa waxa lagu burburiyay qeyb ka mid ah buundada degmada Buulo-burte oo aheyd mid muhiim u ah isku xidhka gobolada dhexe illaa Muqdisho.

Waxa jira khasaaraha dad dhimasho iyo dhaawac ku noqday qaraxa lagu burburiyey buundada, hase yeeshe illaa hadda si rasmi ah looma oga khasaaraha nafeed ee qaraxa uu geystay.

Sawiro laga soo qaaday halka uu qaraxa ka dhacay, ayaa muujinaya in buundada ay ka go’aday dhex-bartankeeda, sidaas darteedna waxaa xiligan aan mari karin wax gaadiid ah.

Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo masuuliyiinta maamulka degmadaasi, ayaa gaadhay goobta qaraxa uu ka dhacay, illaa haddana ma jiro war ka soo baxay dhinacooda.