Mareykanka oo dalab culus hordhigay Madaxweynaha Puntland

Garoowe (Aftahannews)- Dowladda Mareykanka, ayaa war qoraal ah ka soo saartay khilaafka ka taagan doorashada la filayo inay ka dhacdo maamul goboleedka Puntland, taasi oo hadda ay xiisad xooggan ka taagan tahay.

Qoraalka ka soo baxay safaaradda, ayaa lagu soo dhaweeyey doorashooyinka qof iyo cod ee Puntland qorsheynayso inay ka dhacdo 37 degmo, doorashadaas oo ah mid heer deegaan ah.

Sidoo kale, qoraalka ay soo saartay safaaradda Mareykanka, ayaa madaxweynaha Puntland Saciiid Cabdullaahi Deni loogu baaqay inuu qabto doorasho loo dhan yahay, islamarkaana ay isku raacsan yihiin qeybaha kala duwan ee maamulkaas.

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, ayaa kamid ahaa safiirrada beesha caalamka ee shalay booqday magaalada Garoowe, halkaas oo ay kula shireen madaxda Puntland, iyagoo kala hadlay arrimaha doorashada iyo ka go’naanshahooda.

Beesha caalamku waxay sheegtay inay taageerayso dimuqraadiyada Puntland, inkastoo maamulada Puntland ay ku fashilmeen laba jeer oo hore, haddana uu walaac xooggan ka taagan yahay marka loo eego muddada u hadhay maamulka Siciid Deni.

Siyaasiyiin caan ah oo ay kamid yihiin madaxweynayaashii hore ee Puntland iyo ra’isal wasaarayaal hore, ayaa sheegay in madaxweyne Deni oo ku howlan yahay qorshe muddo kororsi ah.

Saciid Deni oo ku fashilmay doorashadii madaxweynimo ee Soomaaliya, ayaa la rumeysan yahay inuu doorashada qof iyo cod ka leeyahay muddo kordhin, waxaana tallaabadaas lagu tilmaamay mid khalkhal gelineysa xasiloonida siyaasadeed ee maamulkaas.