Soomaaliya oo qarka u saaran masiibo aan la arag

Geneva (Aftahannews)- Af-hayeenka guud ee hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan carruurta ee UNICEF, James Elder, ayaa ka dayriyay xaaladda Soomaaliya, taas oo ka dhalatay abaaraha baahsan ee ku dhuftay koonfurta iyo bartamaha dalkeenna.

James Elder, ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya ay qarka u saaran tahay musiibo aan la arag, sida uu ku sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Geneva.

Waxaa kaloo uu sheegay in hal qof oo ilmo yar ah ay daqiiqad kasta la seexiyo isbitaallada daaweynta nafaqo-darrada ee Soomaaliya, halkaas oo abaar ba’an ay khatar ku tahay inay sababto dhimashada carruurta heerka dhimashadooda aan la arkin nus qarni.

James Elder, ayaa sidoo kale xusay in xaaladda Soomaaliya ay haatan u muuqato mid kasii liidata sidii ay ahayd 2011-kii, markaas oo ay macluul u dhinteen 250,000 oo qof.

Dhanka kale, afhayeenka ayaa ku celiyey baaqiisa ku aaddan u gurmashada dadka ay saameeyeen abaaraha, isaga oo shaaciyey inay u baahan yihiin jawaab deg deg ah oo naf badbaadin ah, si looga hortego halista ay wajahayaan qoysaska tabaaleysan.

Soomaaliya, ayaa waxaa haatan ka jira xaalado is biirsaday oo ka dhashay abaaraha ka jira Soomaaliya iyo sidoo kale barakac ka dhashay dagaallada xoogan ee ka socdo Soomaaliya.

Si kastaba, dowladda federaalka ah ,ayaa wada gurmad xoogan iyo dadaallo lagu samata bixinayo dadka ay saameeyeen abaaraha, walow gurmad ku filan aan la gaadhsiin dadkaas.