Jaaliyadda iyo Ardayda Somaliland ee Turkiga oo si weyn ugu dabbaal-degay Xuska 18-ka May

Istanbul(Aftahannews):- Jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan waddanka Turkiga, gaar ahaan magaalada Istanbul, ayaa Munaasibad ballaadhan oo ay ugu dabbaal-degayaan 23-guurada ka soo wareegtay ku dhawaaqistii gooni-isu-taagga Jamhuuriyadda Somaliland ee 18-ka May waxay ku qabteen magaaladaas.

10307359_751818331505379_1426986616608486309_n

ffff 10366139_10152384292213559_2719583104680660765_n

10411319_751818634838682_5074365913197285037_n 10312411_751818768172002_4137355695406905888_n

10410403_751818654838680_9130502455888022772_n 10254994_751818404838705_353336995112411859_n 10314520_751818311505381_8962241425464345668_n 10307360_751818321505380_5782477821444156043_n

10341479_751818474838698_1546403898768661682_n 10380900_691295317598182_6498163178291797699_n

Munaasibadda ay soo abaabuleen Jaaliyadda reer Somaliland ee deggen waddanka Turkiga iyo Ardayda  reer Somaliland ee dalkaas wax ka barata, ayaa ku qabsoontay jewi  farxadeed, xafladdaas oo si heer-sare ah loo soo agaasimay, ayaa lagu muujiyey muhiimadda maalinta Qarannimada Somaliland.

Xaxa Xafladdaas ka hadlay Guddoomiyaha Ardayda Soomaliland ee wax kabarata waddanka Turkiga ahaana Guddoomiyaha Guddiga qaban-qaabada Xuska 18-ka May Maxamed Jaamac Cali, isaga oo hambalyo u diray dhammaan shacbiweynaha Somaliland meel kasta oo ay ku sugan yihiin, Illaahay-na uga baryay inuu u siyaadiyo nabadda iyo xasilloonida.

Waxa isna sidoo kale madashaas ka hadlay Guddoomiyaha Jaaliyadda Somaliland ee Turkiga Siciid Aadan Daahir oo si weyn ugu mahad-naqay Jaaliyadda sida waddaniyadda leh ee ay uga qayb-qaateen xuska 18-ka May.

Dhamaantoodna waxa ay mahad-naq balladhaan u  jeediyeen Xukuumadda Jjamhuuiyadda Somaliland, gaar ahaan Wasiirka Wasaradda duulista iyo hawada Maxamuud Xaashi Cabdi,   iyagoo hoosta ka xariiqay in Wasiirku uu kaalin  mug leh ka gestay qabsoomidda Xafladdaas.

Gebo-gebadii waxa munasibaddaas soo afmeertay Guddoomiyaha  Garabka Haweenka UCID  Laantisa UK Marwo Farduus Cige, waxaanay mahad-naq u jeedisay Madaxwaynaha Jamhuriyadda Somaliland sida uu mar kale ugu dhiirraday in  uu Baarlamaanka  ka codsado in Haweenka Somaliland  kooto go’an  laga siyo Kuraasata Baarlamaanka doorashada sannadka soo socda la filayo inay dalka ka qabsoonto.

Waxa kale oo ay Farduus Cige ku dheeraty muhiimadda ay leedahay maalinta Qaran, iyadoo ku boorrisay dhalinyarada  in ay  wax bartaan si mustaqbalka ay dalkooda iyo dadkooda u afacaan,  waxaanay farriiin u dirtay Xukuumadda Soomaaliya oo ay ugu baaqday inaanay jirin wax ka wanaagsan laba dawladood oo deris ah inay ahaadaan Somaliland iyo Soomaaliya.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Stanbul/Turkey.