Somaliland iyo Baanka Adduunka oo Shir uga furmay Nairobi

Nairobi (Aftahannews)- Waxaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya maanta ka furmay shir farsamo oo u dhexeeya dowladda Somaliland iyo Baanka Adduunka, kaasi oo la xidhiidha mashaariicda Baanka Adduunku ka fuliyo Somaliland.

Shirkan, ayaa waxaa Somaliland uga qayb galay Wefdi uu hoggaaminayo Agaasimaha guud ee Wasaarada Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, Axmedyaasin Xasan, oo ay ku wehilayaan Agaasimahayaasha Wasaaradaha Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Wasaarada Horumarinta Biyaha, Maxamed Cabdilaahi Ducaale, Eng Cabdiraxman Belel iyo Xiidhiidhayaha Mashruuca Biyoole ee Somaliland Maxamuud Maxamed Cabdilaahi

Shirkan oo qaadan doona dhawr maalmood, ayaa waxaa lagu lafa gurayaa sidii loo dardargelin lahaa Mashruuca Biyoole iyo Mashaariicda kale ee Baanka Adduunku ka fuliyo Somaliland.

Inta wefdigu joogan magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxay kulamo la qaadan doonaan madax ka tirsan dowladda Kenya iyo Safaaradda wadamada ay saaxiibka yihiin Somaliland.

Mashruuca Biyoole oo qaybo kamida Somaliland laga fuliyay, ayaa wax badan ka taray baahiyaha dhanka Biyaha ee deegaamada laga fuliyey, gaar ahaan waxa uu khuseeya qabashada Biyaha roobka iyo sidii looga faa’idaysan lahaa.