Dowladda Soomaaliya oo soo dhoweysay cunaqabataynta uu Mareykanku kusoo rogay Al-shabaab

Muqdisho (Aftahannews)- Dowladda Soomaaliya, ayaa soo dhoweysay tallaabada ay dowladda Mareykanka  cunaqabeteynta ugu soo rogtay shakhsiyaadka dhanka maaliyadda iyo saadka ka taageera ururka Al-shabaab.

Tallaabadan ay xukuumadda Washington qaadday ayay dowladda Soomaaliya sheegtay inay ka dhalatey baadhitaano ay si wadajir ah u wadeen labada dowladood ee Soomaaliya iyo Mareykanka, waxayna qeyb ka tahay dagaalka lagu cidhibtirayo Al-shabaab iyo fikirkooda baneysiga dhiigga dadka aan waxba galabsan, sida ay dowladda Soomaaliya sheegtay.

Waxaa go’aankan uu sidoo kale ku soo beegmayaa iyadoo dowladda Soomaaliya ay dhowaan soo saartay awaamiir loogu digayo cid kasta oo dhaqaale ama lacago u uruurineysa Al-shabaab.

Hoos ka akhriso bayaanka