Somaliland: Golaha Guurtida oo Xukuumadda ka Codsaday inay la-wareegto Laydhka Itoobiya

Golaha Guurtida Somaliland

Hargeysa (Aftahannews)- Xildhibaanada golaha Guurtida Somaliland, ayaa soo jeediyay in gacanta dowladda lagu soo korontada dawladda ee ay gacanta ku hayaan shirkaddaha gaarka loo leeyahay, iyaga oo intaas ku daray si loo helo adeeg bixin laydh oo jaban.

Waxaa kaloo ay soo jeediyeen in la helo baytariyo kaydin kara tamarta qoraxda si loo yareeyo adeega shidaalka ee maalinkasta kharashka badani ku baxayo.

Xildhibaanada, ayaa sidan ku sheegeen dood ay ka yeesheen qodobka Tamarta, xilli uu fadhigaasi shir-guddoominayay guddoomiyaha golahaasi Saleebaan Maxamuud Aadan.

Xildhibaan Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Ilkacase oo dooda ka qayb galay, ayaa xukuumadda Somaliland ka codsaday in heertayeedka shidaalka dalka dib loo dhigo, inta qiimaha shidaalku halkiisi hore ku soo noqonayo, waxaa uu intaas ku daray in laydh ka imanay dalka Itoobiya ay ku muransan yihiin shirkadaha gaarka loo leeyahay ee adeega dawladda bixiya, waxaanu soo jeediyay in xukuumadda Somaliland ay dawladda Itoobiya kala wareegto laydhka si ay dib uga iibiso shirkadaha gaarka loo leeyahay ee laydhka bixiya, si bulshadiina u hesho laydh jaban oo kuwada filan.

“40 dollar ayaa ka dhacay qiimaha lagu kala iibsadoo foostada Shidaalka ah, waxaa lacag badan marka mar haddii 0.73 laga dhigay markay jabtay in hoos loo celiya waa mid waajib ah, shalayna waala qaylinayay, haddii ay booyadiihii tahay, hadday laydhka tahay, wax alla wixii shidaal la kacay dib umaysoo noqone iyada waa in aynu dib u soo celinaa ilaa baskii ayaan soo noqon, iyada waa in dadkii in arrintaasi dib loo eego oo wakhtikasta wixii jira laga garaaba waa muhiim.

Markii shidaalku kacay xukuumaddu go’aan ayay gaadhay madaxweynuhu ugu horeeyo waxa la soo jeediyay shidaalkii dalka imanayay oo qaali ahaa in hoos loo dhigo, amar madaxweyne ayuu ahaa, heertayeedkii Shidaalka hoos ayaa loo dhigay taasina waa ta keentay in shidaal jaban la keeno dalka, waxa tobankii bishan tobnaad haddana wasaaraddu dib u soo celisay laga bilaabo 1/11/2022 in heertayeedkii kor loo qaado, xukuumadda Somaliland heertayeedka Shidaalka halkiisa haw dayso oo shidaalkaasi hoos ayuu socdaaye aynaan kor u qaadin.

Laydh Itoobiya laga keenayo waxa isku haysta shirkadihii laydhka, laydhka Itoobiya laga keenayo waxa laga dhalinayaa Wabiga Nile-ka.

Waxaan soo jeedinaya haddii laydh Itoobiya inooga imanayo aanay dad gaar ah lagu wareejin ee dawladdu la wareegto si ay iyadu uga iibiso shirkaddaha laydhka ee gaarka loo leeyahay” ayuu yidhi Xildhibaan Maxamed Sheekh.

Sidoo kale, Xildhibaan Axmed Dirir Cali, ayaa sheegay mar haddii bulshadii ay yihiin kuwa la nool hadba sicirka kaca, oo aan xal loo hayn shidaalka qaaliga noqday iyo qiimaha laydhka ee kor u kacay in qofkii ku noolaan karaana uu ku noolaado nolosha qaaliga ah kii kalena iska sugo inta ay wax jabayaan.

“Tamartu way jirta, balse aadbay qaali u tahay, waxay ahayd inay gacanta dawladda ku jirto sida biyaha caalamka oo dhana dawladda ayaa Tamarta leh, tanse dad shacab ah ayaa leh, marka bulshadu way ku qasban yihiin inay iibsadaan laydhka qaaliga ah sababto ah meel ay uga cararaan ma jirto” ayuu yidhi Xildhibaan Axmed Dirir.

Xildhibaan Dayib Xasan Axmed, ayaa isna soo jeediyay in xukuumadda Somaliland ay keento baytariyo kaydin kara tamarta qoraxda, si looga maarmo shidaalka naafadatada.

Waxaanu yidhi.“Waxaan soo jeedinaya si aynu naafatada uga maarano, waxkasta ha qaadate ama dawlad halala kaashado ama cidkale halala kaashade laydhka tamarta cadceeda waxa ka maqan baytariga dab kaydiya, kaas in ay dawladdu raadiso ama cid cidda hasataba raadiso”

Xildhibaan Mukhtaar Maxamuud Cabdillaahi Diirqadhaadh, ayaa sheegay in isticmaalka Gaaska Somgas, uu yareeyay jarista iyo shidista dhuxushi, isla markaana badbaadiyay degaankii, iyaga oo u isticmaalaya Koronto ahaan.

Waxaanu yidhi.“Bulshadeenu waxaad mooda inay la soo qabsanayaan isticmaalka Somgas, waxaana aad loo dhimay isticmaalkii Somgaas iyada oo taasi badbaadinayso degaankii oo dhuxushii meelaha hawdka ah laga soo jaraayay ay meesha ka baxday,”

Geesta kale, Xildhibaan Axmed Aadan Qalinle, ayaa soo jeediyay in la helo laydh tayo ahaan u dhigma kuwa caalamka, si warshadaha dalka imanaya ee shisheeye ay u helaan adeeg koronto oo ay ku soo hiran karaan.

Waxaanu yidhi.“Marka hore waa in la raadiyo laydh istaandarkii caalamka ah oo lagu soo hirankaro, oo warshadihii adduunku ku shaqayn karaan,”

Doodan mudanayaasha, ayaa ku soo beegmaysa xilli ay dalka uu dalka ka jiro sicir’barar baahsan oo salka ku haya kor u kaca qiimaha shidaalka.