Xisbiga Waddani oo Xukuumadda ku dhaliilay waxka qabasho la’aanta xannuun halisa

Hargeysa (Aftahannews)- Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, ayaa sheegay in xaaladda xannuunka xummadda Dangi ee ku dhufatay shacabka Somaliland ay meel xun marayso, isla markaana xukuumaddu ay ku guuldaraysatay in ay wax ka qabato.

Af-hayeenka Xisbiga Waddani Barkhad Jaamac Xirsi Batuun, oo warbaahinta la hadlay, ayaa ka dayriyay xaaladda xummadda, waxa uu sheegay in isbitaaladii buux dhaafeen isla markaana dawooyinku qaaliyihiin.

Waxa uu sheegay in hooyada ama aabaha danyarta ah ee ay xumadu soo ridataa, aanu awoodi karin in uu iska bixiyo kharashka faraha badan, ee ku baxaya dawayntiisa, wuxuuna xukuumadda ku eedeeyay in ay ku guuldaraysatay in ay damaanad qaado caafimaadka danyarta.

Waxa kale oo uu sheegay in marka xaaladdan oo kale timaado ay ahayd in xukuumaddu samayso koox gaar ah oo ka howlgasha wax ka qabashada xummadda, in xaalad deg deg ah lagu dhawaaqo iyo in dunida baaq caawimo loo diro.