Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo gaadhay Magaalada Jigjiga

Jigjiga (Aftahannews)- Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo wefdi uu hoggaaminayo, ayaa maanta gaadhay magaalada Jigjiga ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya.

Waxaana ra’iisal wasaaraha Soomaaliya halkaasi ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mustafe Cumar iyo mas’uuliyiin kale.

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya iyo Madaweynaha Dowlad Deegaanka, ayaa ka wadahadli doonaa sidii la isaga kaashan lahaa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, ayaa maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Itoobiya wuxuu halkaas kaga qeybgalay madasha Tana oo lagaga hadlayay amniga qaaradda.