Ciidamada Somaliland oo Hal arrin uga Digay Xisbiga UCID

Hargeysa (Aftahannew)- Ciidamada Milateriga iyo Booliska Somaliland, ayaa jawaab kulul ka bixiyay, ciidamo uu xisbiga mucaaradka ah ee UCID sheegay in ay ka goosteen Ciidanka Millateriga Somaliland.

Cod uu baahiyay xisbiga mucaaradka ah ee UCID, ayaa muujinaya guddoomiye Faysal Cali Waraabe, oo nin uu sheegay in uu ka tirsanyahay millateriga Somaliland ku guubaabinaya in uu jabhadeeyo.

Ninka uu xisbigu sheegay in uu Faysal la soo hadlay oo uu askari yahay, oo guddoomiyaha u sheegay in uu ciidanka ka goostay islamarkaana uu ka soo horjeedo dib u dhigista doorashada madaxtooyada, ayuu Faysal ku guubaabiyay in uu jabhadeeyo.

Hadaba, Taliyaha Qaybta Isgaadhsiinta Ciidanka Booliiska Somaliland Gaashaanle Sare Maxamed Faarax Nuur iyo Hogaan ku Xigeenka Xidhiidhka Arrimaha Dibadda ee Ciidamada Millateriga Somaliland Gaashaanle Sare Nimcaan Yuusuf Cismaan, oo maanta warbaahinta kula hadlay xarunta Miiska Saraakiisha ee magaalada Hargeysa, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka xisbiga UCID faafiyay, waxaanay sheegeen in ay yihiin warar lagu sumcad dilayo ciidamada.

Saraakiishan kala duwan ee Ciidanka Booliiska iyo Milateriga, ayaa waxaa ay si weyn uga digeen in la faragaliyo ciidamada dalka.

Waxana ay sheegeen in dhamaan qaybaha kala duwan ee Ciidamada Somaliland ay ku sugan yihiin fadhiisimadoodii, islamarkaana ay gudanayaan waajibaadkii ay u xil-saarnaayeen, iyagoona intaa ku daray in siyaasiyiin ay si caqliga ka fog u faragaliyeen ciidamada.

Saraakiisha, ayaa waxaa ay ugu danbayn u mahadceliyeen saxaafada Somaliland oo ka gaabsatay, isla markaana aan baahin wararka xisbiga UCID ka faafiyay ciidamada.

Si kastaba, Guddoomiye Faysal Cali Waraabe, ayaa aad uga cadhaysan furista urrurada siyaasada Somaliland oo uu arko duulaan ka dhan ah xisbigiisa, isaga oo dagaal siyaasadeed oo adag la galay xukuumada Somaliland tan iyo markii lagu dhawaaqay furista urrurada.