Human Rights Watch oo sheegtay inay awood ka badbadin ah isticmaalaan Maxkamadaha Ciidanka Soomaaliya

Muqdisho(Aftahannews):- Hay’adda u doodda xuquuqda Aadamaha ee Human Rights Watch, ayaa warbixin ay saaka soo saartay waxa ay ku sheegtay in Maxkamadda Ciidammada qalabka sida ee Soomaaliya ay tan iyo sannadkii 2011-kii ay xukun ku ridday boqollaal qof, kuwaasoo aysan sharciyad u lahayn Maxkamadeyntooda, amaba ay si ka hooseysa Xeerka caalamiga ah ee dacwad qaadista u xukuntay.

Astaanta hay’adda Human Rights Watch

Human Rights Watch ayaa ugu baaqday dowladda Soomaaliya in si deg deg ah ay kiisaska rayidka ah ugu wareejiso maxkamadaha madaniga ah.

Warbixinta ay soo saartay Human Rights Watch oo ka kooban 33 bog ayay cinwaan uga dhigtay: Maxkamado awood buuxdo leh iyo ku xadgudubka dhagaysiga cadaaladda ku salaysan ee ay ku kacdo maxkamadda ciidammada qalabka sida ee Soomaaliya.

Baarayaasha warbixinta diyaariyay ayaa sheegay in ay wareysi la yeesheen in ka badan 30 qof oo ay maxkamadi ku socoto, waxaana ay isugu jiraan askar ciidanka dowladda ka tirsan, rag looga shakiyay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, iyo dad rayid ah.

Xog rasmi ah

Warbixinta ayaa lagu sheegay in dhammaan dadkii ay Human Rights Watch wareysatay ay ka hadleen sida uu u adag yahay hannaanka maxkamada ciidamada, sida aan loogu ogolaanin eedeysanayaasha in ay doortaan qareenada difaacaya iyo weliba sida aanay racfaan uga qaadan karin xukunnada lagu rido.

Sida warbixinta lagu sheegayna, todobaneeyo qof ayay maxkamadu ku riday xukun dil ah, kuwaas oo la dilay sanadkii lasoo dhaafay.

Golaha Human Rights Watch

Human Rights Watch, ayaa sheegtay in maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya laga hirgaliyay goobihii ay dowladda ka qabsatay Xarakada Al-shabab sanadkii 2011-ka, waxaana loogu talagalay in ay maxkamadu shaqeyso muddo saddex bilood ah oo uu jiray xukun deg deg ah, balse waa ay sii jirtay iyada oo xukunno kala duwan riday.

Dacwadaha ay maxkammada ciidamada qaado ayaa waxaa ka mid ah kuwa khuseeya eedeysanayaasha ka tirsan xooggaga ammaanka iyo kuwa sirdoonka.

Dowladda oo beenisay eedaha

Gudoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, Gaashaanle Liibaan Cali Yarow, ayaa eedahaasi ku tilmaamay waxba kama jiraan, waxa uuna sheegay in hay’addaha aanay ka warqabin waxa ka socda gudaha Soomaaliya.

Sida warbixinta lagu xusayna, dowladda Soomaaliya iyo waaxdeeda garsoorka ayaa taageersan in dadka looga shakiyo in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, lagu maxkamadeeyo maxkamadda ciidammada, maadaama maxkamadaha madaniga ah aanay ammaan ahaan ku habooneyn dhagaysiga dacwadaha noocaasi ah.

Balse Human Rights Watch, ayaa ku doodeysa in taasi aan loogu qiildayi karin ku xadgubka xaquuqda eedeysanayaasha ay u leeyihiin helitaanka dhageysi cadaalad ku dhisan.

Warbixinta ayaa intaa ku dartay in maxkamadda ciidammada ay dhawaan un bilowday in eedeysanayaasha ay u qabato qareeno, balse taasi wax badan kama aanay bedelin xaaladda, maadaama ayay tiri Human Rights Watch ay aad u yartahay tirada qareennada tababaran ee ku nool Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Huma Rights Watch ayaa ku talabixisay in dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh iyo taageerayaasheeda Beesha Caalamka in ay sameeyaan isbedellada ay ballaanqaadeen ee lagu hagaajinayo hannaanka caalaadda Soomaaliya, waxaana hay’addu ay Madaxweyne Xasan ugu baaqday in tallaabada ugu horeysa ee uu qaadayo ay noqoto joojinta fulinta xukunnada dilka ah ee ay maxkamadu riday.

Xigasho BBCSomali.com.