Xulka Qaranka Soomaaliya oo ku Guuleystay Koobka Bariga iyo Bartmaha Afrika

Addis Ababa (Aftahannews)- Xulka qaranka ee Soomaaliya da’doodu ka hooseyso 17-ka sano, ayaa maanta ku guuleystay koobka ciyaaraha bariga iyo bartmaha ee Cecafa.

Xulka qaranka ee Soomaaliya, ayaa waxaa uu 3-1 kaga badiyay xulka dalka South Sudan.

Ciyaarta kama dambeysta ah, ayaa haatan lagu soo gabagabeeyay garoon ku yaalla magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Xulka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano, ayaa maalmihii la soo dhaafay wacdaro ka dhigayay tartanka, waxay ka soo badiyeen Itoobiya iyo Uganda.