Hargeysa (Aftahannews)- Guddiga arrimaha bulshada ee golaha Wakiillada Somaliland, ayaa maanta kulan xaasaasi ah la yeeshay Wasiirka wasaaradda Waxbarshada iyo Sayniska Somaliland Axmed Maxamed Diiriye Toorno.
Kulankan oo ka qabsoomay xarunta aqalka golaha Wakiillada Somaliland, ayaa guddiga arrimaha bulshadu waxaa ay wasiirka kaga xogwaraysteen arrimo badan oo ku aadan waxbarashada dalka.
Intii uu socday kulankani, ayaa guddiga arrimaha bulshada ee golaha Wakiilladu, waxaa ay Wasiirka weydiiyeen su’aalo kala duwan oo la xidhiidha xaalada waxbarashada dalka, mashaariicda dhanka waxbarashada ee Hay’adduhu siiyaan wasaaraadda, lacago laga qaado Ardayda dugsiyada iyo tayadda aqooneed macalimiinta.
Kulankan, ayaa markii uu soo dhamaaday waxaa ka warbixiyay waxyaabihii lagaga hadlay, Xildhibaan Axmed Khaliif oo ka mid ah Guddiga arrimaha bulshada ee golaha Wakiillada iyo Wasiirka wasaaradda Waxbarshada iyo Sayniska Somaliland Axmed Maxamed Diiriye Toorno.