Balcad (Aftahannews)- Wararka ka imanaya deegaanka Xawaadleey oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe, ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya ay kala wareegeen Al-shabaab.
Deegaanka Xawaadleey, ayaa la soo wariyay in Milateriga Soomaaliya ay si nabad ah kula wareegeen kadib markii ay isaga baxeen halkaasi ciidankii Al-Shabaab ee ku sugnaa deegaankaasi dhowrkii sano ee la soo dhaafay.
Xawaadleey, ayaa ah deegaan u dhaxeeya magaalooynka Balcad iyo Jowhar oo muhiim u ahaa isku socodka Al-Shabaab ee gobolada dhexe iyo kuwa Koonfureed ee Soomaaliya, halkaasi oo ay ku taalo Buundo isku xidha gobolada Sh/dhexe iyo Sh/hoose ayna Al-shabaab u isticmaali jireen marin ay wax walba ka gudbistaan.
Ciidanka qabsaday deegaanka Xawaadleey, ayaa waxaa hogaaminaya Korneel lagu magacaabo Abuukar Boonoow oo katirsan ciidanka Soomaaliya, kaasoo sheegay inay sii joogi doonaan deegaanka oo ayna dib uga laaban doonin.