Dagaal Culus oo Maanta Dib uga Qarxay Gobolka Hiiraan

Baladweyne (aftahannews):- Waxaa saaka aroortii hore ka qarxay deegaanka Yasooman, ee hoostaga degmada Buulo-Burde, ee gobolka Hiiraan, dagaal culus oo u dhaxeeya ciidammada Soomaaliya oo ay taageerayaan maleeshiyo deegaanka ah iyo Al-Shabaab.

Sida laga soo xigtay dadka deegaanka, waxaa halkaas laga maqli karay dhawaqa rasaas culus oo ay iswaydaarsanayaan dhinacyada dagaallamaya.

Dagaalkan ayaa sida la sheegay billowday kaddib markii ciidamo ka tirsan Al-Shabaab ay saaka weerareen saldhig ay fadhiyeen ciidamada dawladda iyo kuwa deegaanka oo ku yaalla Yasooman.

Illaa hadda lama helin xogta khasaaraha dagaalkaasi uu keenay, walow Al-Shabaab ay guulo ka sheegteen dagaalka sida ay daabaceen boggaga internet-ka ee iyaga taageera.

Illaa hadda wax war ah kama soo bixin saraakiisha ciidamada dawladda oo ku saabsan dagaalka saaka ka dhacay gobolka Hiiraan.

Isniintii ayay aheyd markii milateriga Soomaaliya uu sheegtay in deegaanka Jicibow oo qiyaastii 30km waqooyi uga beegan Buulo-urde ee gobolka Hiiraan, ay ku dileen hoggaamiye ka tirsanaa ururka Al-Shabaab, sida lagu shaaciyay wakaaladda wararka ee Soomaaliya, SONNA.

Saraakiil ka tirsan ciidammada oo ay soo xigeynaysay warbaahinta dowladda ayaa xilligaas sheegay in tobannaan ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay dagaalka Jicibow ka dhacay, halka ay Al-Shabaab ay sheegatay inay iyaduna dishay saraakiil ka tirsan ciidanka dawladda iyo askar.

Deegaanka Jicibow ee ay milateriga Soomaaliya sheegeen inay ku dileen sarkaalkaas ayaa maalmahanba waxaa ka socday dhadhaqaaqyo dagaal oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda oo ay taageerayaan miliishiyooyinka deegaanka ah iyo Al-Shabaab.

Siduu dagaalka Hiiraan ku billowday?

Mid kamid ah qabiillada dega gobolka Hiiraan ayaa kowdii bishii Juun weerar ku qaaday saldhig ay Al-Shabaab ku leedahay deegaanka Booco ee gobolkaas.

Dableyda ayaa ka jawaabaysay dil la sheegay inay kooxda dhowaan u gaysatay nabaddoonkooda.

“Nabaddoonkeennii oo aan naqaanno in uu ahaa nin nadiif ah oo Muslim ah, ummadda aan dhibaatayn, cid kale aan gardaysan, doorasho aan ka qaybgelin, ergo kale aan ka qayb qaadan, annagii ogayn ayay noo sheegeen in uu gaal murtad ah ahaa, jawaabtooduna nalama su’aali karo ayay noqotay, si isla weyni leh ayay noola hadleen,” ayuu yiri nin ka mid ah dableyda dagaalka ku qaadday Al-Shabaab oo sababo amni dartood u codsaday in aan la magacaabin.

Wuxuu sheegay in kooxdooda oo lagu magacaabo ‘Macawisley’ ay u aar-gudayeen nabaddoonkooda oo lagu magacaabi jiray Cali Macallin Maxamuud (Cali Dheere) oo 27-kii May lagu dilay Beledweyne. Wuxuu kamid ahaa odayaasha caanka ka ah magaaladaasi, wuxuuna ku eedeeyay Al Shababa inay ka dambeysay dilkiisa. Al-Shabaab kama aysan hadlin dilka odayga iyo weerarka lagu qaaday.

Wuxuu intaa ku daray in Al-Shabaab ay horay Beledweyne ugu dishay dad badan oo qabiilkooda ka soo jeeda.

“Waxay ahaayen dad annaga eheladeenna ah oo habeenkii inta badan marka ay cishaha ka soo baxaan ay dilayeen, inta badanna waa ay ka garaabi waayeen. Marka lala hadlana waxay dhahayeen nala lama hadli karo oo nalama weydiin karo dadkaas gaalada ah ee murtidiinta ah. Mana garan karno annagu halka gaalo iyo Muslimiin ku kala noqdeen,” ayuu yiri.

Ninkan ayaa xusay inay weerareen ‘taliskii ugu weynaa’ ee ay Al-Shabab ku lahayd deegaanka Booco ee gobolka Hiiraan. Wuxuu sheegay in ay dileen tiro toban ka badan, saldhiggii iyo maxkamad ay kooxdaas lahayd ay la wareegeen, sidoo kalena ay jireen maxaabiis ay ka qabteen oo ay sii daayeen.

Maleeshiyaadka “Macawisley” ayaa dhowrkii sano ee ugu dambeeyay dagaal kula jiray ururka Al-Shabaab ee bartamaha Soomaaliya.

Dagaallada u dhexeeyay Al-Shabaab iyo malleeshiyaadkan isbeheystay ayaa ka dhacay deegaanno sida degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellada Dhexe iyo deegaanno hoostago gobolka Hiiraan.

Ninkii hoggaamin jiray “Macawisleyda” ayaa lagu dilay weerar Shabaab iyo malleeshiyada ku dhexmaray degmada Aaadan Yabaal, bishii Oktoobar ee sannadkii 2020.

Malleeshiyaadkan waxay sheegeen inay kasoo horjeedaan in “shacabka deeganadaas ay ururka Al Shabaab ka qaadaan canshuuraha iyo in kooxda ay carruutoodu ciidan u qortaan”.