Xasan Sheekh oo Baabi’iyey laba Guddi oo uu sharci darro ku dhisay Farmaajo

Muqdisho (Aftahannews)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wareegto uu soo saaray ku baabi’iyay guddiyada golaha adeega garsoorka Soomaaliya iyo la-dagaalanka musuqmaasuqa, kuwaas oo ahaa laba guddi oo ay sameysay ama howlgalisay dowladdii hore ee Farmaajo.

Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa baabi’inta labadan guddi sabab uga dhigay, isagoo tixraacayay qoraal bishii 12-aad ee 2021, ka soo baxay Aqalka Sare, qoraalkaas oo lagu sheegay in xubnaha golaha adeega garsoorka iyo xubnaha guddiga la-dagaalanka musuqmaasuqa aan hawlgelintooda loo marin hannaan dastuurka iyo xeerarka waafaqsan.

Xasan Sheekh, ayaa xukuumaddiisa faray inay si degdeg ah u soo dhisto labadan guddi ee uu kala diray, si waafaqsan qodobbada 71-aad, 109A iyo 112-aad ee dastuurka Kumeel-gaadhka ah iyo qodobka 7-aad ee sharciga dhisidda golaha adeegga garsoorka iyo magaacaabista guddiga la dagaallanka musuqmaasuqa.

Dhinaca kale, madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa sidoo kale wuxuu baabi’iyey dhammaan wixii go’aanno ahaa ee ay gaadheen muddadii la howlgeliyey labadan guddi, sida lagu sheegay bayaan ka soo madaxtooyada Soomaaliya.