Maxay ka Wadahadleen Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland iyo Safiirka UK?

Hargeysa (Aftahannews)- Guddoomiyaha golaha Wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa waxaa uu maanta kulan kula qaatay xarunta baarlamaanka Safiirka dalka Ingiriiska ee Somaliland Ambassador Kate Foster.

Kulankan, ayaa waxaa guddoomiyaha ku wehelinayay La-taliyaha Arimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Guddoomiyaha Xasan Xiis.

Waxaanu kulankaasi ujeedkiisu daaranaa xaalada uu dalku haatan maraayo.

Guddoomiyaha, ayaa Safiir Kate Foster, warbixin guud ka siiyey Xaalada dalka sidoo kalena u muujiyey sida ay ka gole ahaan marwalba diyaar ugu yihiin in ay qayb ka noqdaan xalinta khilaafaadka hada taagan.

Waxaa uu guddoomiyuhu u sheegay safiirka in ay Somaliland ku caano maashay xalinta khilaafyadda yimaada maadaama dalka Somaliland uu yahay dal nabdoon oo xasiloon.

Safiir Kate, ayaa iyaduna Gudoomiyaha uga mahadnaqday wadashaqaynta iyo xidhiidhka dhaw ee mar walba ka gole ahaan ay ula shaqeeyaan.

Kulankan oo saacado badan qaatay, ayaa waxaa ay labada dhinac isku afgarteen in kor loo sii qaado xidhiidhka labada dal ee Somaliland Ingiriiska.