Al-Shabaab oo Digniin culus u dirtay Warbaahinta, kadib go’aankii DF Soomaaliya

Al-shabaab

Muqdisho (Aftahannews)- Kooxda Al-Shabaab, ayaa si deg-deg ah uga fal-celisay amarkii ka soo baxay dowladda Soomaaliya ee warbaahinta lagaga mamnuucay baahinta wararka ka soo baxa kooxdaasi, iyada oo ku dhowaaqday tallaabada xigta ee ay qaadeyso.

Bayaan ka soo baxay Al-Shabaab, ayaa waxaa looga digay warbaahinta madaxa banaan inay fuliyaan go’aanka ka soo baxay dowladda Soomaaliya, waxayna kooxdu shaacisay in si la mid ah dowladda federaalka ay ula dagaalamayaan warbaahin kasta oo fulisa amarkaasi.

Sidoo kale, Al-Shabaab, ayaa sheegtay in warbaahintii ka tagta dhex-dhexaadnimada in ay u aqoonsan doonaan inay qayb ka tahay dagaalka iyaga lagula jiro.

“Waxaan halkan uga digeynaa dhamaan warbaahinta ka shaqeysa gudaha Soomaaliya inay ka qayb qaadato dagaalka ka dhanka ah Shareecada Islaamka. Warbaahin kasta oo si badheedh ah ama si dadban ula safata xukuumadda Soomaaliya, waxaan u aqoonsaneynaa inay qayb ka tahay duullaanka” ayaa lagu yidhi bayaanka ka soo baxay Al-Shabaab.

Digniinta Al-Shabaab iyo sidoo kale amarka ka horreeyey ee ka soo baxay dowladda Soomaaliya, ayaa saameyn ku yeelanaya warbaahinta, maadaama labada dhinac ay ku soo saareen go’aanno iska soo horjeeda, taas oo caqabad ku noqoneyso shaqada warbaahinta Soomaaliya.

Hadalka ka soo yeedhay kooxda Al-Shabaab, ayaa ku soo beegmaya, xilli dowladda Soomaaliya saacadihii ugu dambeeyey ay qaaday dagaal ka dhanka baraha bulshada ah, iyada oo sheegtay inay hawada ka saartay warbaahinta Oline-ka ee kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirta xaalad dagaal, waxaana qaybo badan oo ka mid ah Soomaaliya ka socda howlgallo ballaadhan oo ka dhan ah Al-Shabaab.