Abiy Axmed oo Hal arrin ku hambalyeeyay Muslimiinta

Addis Ababa (Aftahhannews)- Ra’iisal Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed, ayaa hambalyo ku aaddan munaasabadda 1497-aad ee dhalashada Nabi Muxammed (NNKH) u diray dhammaan Muslimiinta.

Ra’iisal wasaaraha, ayaa dhambaalkiisa ku sheegay in dunidu ay si weyn uga faa’iideysteen dhalashada Nabi Muxammed.

“Nebigu ma beddelin taariikhda adduunka oo keliya ee waxa kale oo uu beddelay nolosha aadanaha”. ayuu yidhi Abiy Axmed.

Waxa uu sheegay in marka la xusayo Mawliidka loo baahan yahay in wax laga bedelo taariikhda aduunka iyo nolosha bini aadamka.

Ra’iisal wasaare Abiy Axmed, ayaa geesta kale carabka ku adkeeyay in waxyaabaha ay Itoobiya ka qabaneyso dhanka beeraha iyo warshadaha wax soo saarka ay wax badan ka bedeli doonto taariikhda qaranka iyo sidoo kale nolosha dadkeeda.

“Marka aan Itoobiya ka xoreyno dagaalka, waxaan wejigayaga u jeedin doonnaa qorshayaashayada oo gebi ahaanba beddelaya taariikhda iyo nolosha dadka”.ayuu yidhi Abiy.