Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wefdi uu hoggaaminayo oo gaadhay Dalka Uganda

Kampala (Aftahannews)- Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdi uu hoggaaminayo oo ay booqasho uga bilaabatay dalka Uganda, ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Kampala ee Caasimadda dalkaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wada-hadallo ku qotoma xoojinta iyo garab istaagga halganka Soomaaliya lagaga xoreynayo Al-shabaab waxa uu la yeelanayaa Madaxda dalkaas, si taageero heer gobol ah loogu helo howlgallada socda, lana xoojiyo iskaashiga ku aaddan amniga.

Sidoo kale, Madaxweynaha, ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Uganda waxa uu kala qeyb geli doonaa Madaxda dalalka Gobolka xuska 60-guurada Uganda ee ka soo wareegtay xornimadooda, iyadoo Soomaaliya ay safka hore kaga jirtay dalalkii ku taageeray halgankii xornimo doonka Uganda.

Xasan Sheekh, ayaa ugu hambalyeeyey shacabka iyo dowladda Uganda sannad-guurada 60-aad ee ka soo wareegtay xornimada dalkaas oo ay u dabbaal degayaan maalmahan, isagoo tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay uga mahad-celinayaan doorka ay ka qaadanayaan ciidamada Uganda, nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.