Faroole iyo Gaas oo ka hor-yimid Qorshe uu wado Madaxweynaha Puntland

Garoowe (Aftahannews)- Madaxweynayaashii hore ee maamul goboleedka Puntland, Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) iyo Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas), ayaa ka hadlay xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Puntland, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka.

Faroole iyo Gaas oo ka qayb-galayey dooda BBC-da, ayaa si weyn uga horymid qorshaha madaxweynaha hadda talada haya ee maamulka Puntland, Saciid Cabdillaahi Deni ee ku aadan inuu doorasho qof iyo cod ah ka qabto maamulkaasi.

Faroole oo dooda ku horreeyey, ayaa shaaca ka qaaday in Saciid Deni uu wado boob iyo masuq-maasuq, isla-markaana ay ka fogtahay dimuquraadiyadda la sheegayo.

“Doorasho iyo Dimuqaraadiyad ma’aha waa boob iyo musuq maasuq dowladdu u soo harag badalatay oo ay rabto in ay wax ku boobto,” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Faroole.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay in muddada u hadhay madaxweynaha in aan lagu qaban karin doorasho qof iyo cod ah, balse ujeedkiisa uu yahay inuu sameysto muddo kororsi.

Dhankiisa Cabdiweli Gaas, ayaa sheegay in Puntland ay u baahan doorasho qof iyo cod ah, balse qaabka haatan wax loo wado ayna ka tarjumeyn doorasho xor iyo xalaal ah.

“Anigu waxaan qabaa waa loo baahan yahay dimuqraadiyada one person one qof, laakiin midda hadda qaabka loo dhigayo, waxay u muuqataa inay tahay kalmad xaq ah oo laakiin baadil loola jeedo,” ayuu yidhi Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Waxa kale oo uu intaasi ku sii daray in maamulka Garoowe, gaar ahaan madaxweyne Saciid Cabdillaahi Deni laga sugayo in doorashada uu qabto wakhtigeeda oo ah January 2024.

Si kastaba, hadalkan labada siyaasi, ayaa ku soo beegmaya, iyada oo haatan guux siyaasadeed uu ka jiro maamul goboleedka Puntland, kaas oo ku aadan inuu muddo kororsi damacsan yahay Saciid Deni.