Meydka Macdan Qodihii Godku ku Dumay oo la soo saaray

Ceerigaabo (Aftahannews)- Waxaa maanta lagu guuleystay in Meydkiisa la soo saaro Wiil Dhalinyaro ahaa oo shalay ilaa xalay ku go’doonsanaa God Dahabka laga qodo oo ku dumay oo ku yaalla deegaanka Milxo ee gobolka Sanaag.

Wiilkan oo lagu magacaabi jiray Maxamed Siciid, ayaa la sheegay in uu godku ku dumay xili uu halkaasi ka qodanayay Dahab isaga iyo koox kale oo la socotay maalinimadii shalay.

Dadka deegaanka, ayaa illaa iyo xalay waday dadaallo ay isugu dayayeen inay ku badbaadiyaan Wiilkan Dhalinyarada ah ee godku ku dumay, waxaanay howshaas u adeegsanayeen gaadiid wiishash ah.

Sidoo kale, dadka deegaanka oo adeegsanaya qalabka ay heli karaan, ayaa saacado badan ku qaadatay qodida godkaas ku dumay Wiilka Dhalinyarada ah, waxaana ay sheegeen in aanay jirin cid maamul ah oo gacan u fidisay.

Wiilka, ayaa ugu danbayn lagu guulaystay in laga soo saaro godka, lakiin nasiib daro nolol laguma gaadhin, oo maydkiisa oo burbur ka muuqdo ayaa la soo saaray.

Godadka dahabka laga qodo ee deegaankaas ku yaala, ayaa waxaa la sheegay in qiyaas ahaan ay hoos u qodan yihiin 40 mitir, muddo lix ilaa toddoba sano ah.

Dadka gudaha u galaya godadkan, ayaa la sheegay in ay xadhko adeegsadaan ama jaranjarooyin, mararka qaarna dadka shaqaalaha ah lagu geeyo salka hoose wiishash.

Shilalka ka dhaca godadka dahabka laga qodo, ayaa sidoo kale la sheegay inay ku badan yihiin deegaanka. Waxaana la xaqiijiyay in dad ku dhow toban oo Soomaali iyo Oromo isugu jira oo halkaas ka shaqeeya inay hore ugu dhinteen godad ku dumay.

Waxaa jira dhacdooyin hore oo dad godadka dahabka ku dhacay ay suurtageli wayday in la soo badbaadiyo, taas oo sababtay in markii dambe lagu aasay, maaddaama deegaankaasi aanu lahayn adeegyada iyo agabka sahla gurmadka deg-degga ah.