Faysal Cali Waraabe oo soo dhaweeyay Baaqii Beesha Caalamka

Hargeysa (Aftahannews)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng, Faysal Cali Waraabe, ayaa ka hadlay baaqii dalalka Beesha Caalamku ay ka soo saareen arrintan doorashooyinka Somaliland iyo muddo kordhintii loo sameeyay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Faysal Cali Waraabe oo qoraal uu arrintan kaga hadlayo ku baahiyay bogga uu ku leeyahay barta Twitter-ka, ayaa waxaa uu ku sheegay inay soo dhaweynayaan baaqaas ay dalalka Beesha Caalamku ka soo saareen arrinta doorashooyinka Somaliland.

Guddoomiye Faysal, ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in baaqa Beesha Caalamku yahay fursadii ugu dambaysay ee loo jeediyay Madaxweynaha sharcidiidka ah, waa sida uu hadalka u dhigee.

“Baaqa ay soo saareen dalalka EU-da ee inagana caawiya sanduuqa ( SDF)Iyo Dalka Maraykanka oo wadashaqaynta tooska ah inala bilaabay,Waa fursadii ugu dambaysay ee loo jeediyay Madaxweynaha sharcidiidka ah.anagu waanu soo dhawaynaynaa sidaanu horeba xalkasta usoo dhawayn jirnay.” ayuu ku yidhi qoraalkiisa Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng, Faysal Cali Waraabe.

Dalalka Beesha Caalamka oo dowladda Somaliland ka taageera arrimaha doorashooyinka, ayaa qoraal ay soo saareen waxaa ay ku sheegeen in loo bahanyahay in doorashooyinka Somaliland loo qabto sida ugu dhakhsaha badan ee ugu macquulsan, iyagoo xukuumadda Somaliland ku booriyay in ay qabashada doorashooyinka u raacdo habraaca ay guddiga doorashooyinku soo gudbisay.

Waxa ay sidoo kale, Beesha Caalamku sheegeen in loo bahanyahay in matalayaasha siyaasadu ay ku heshiiyaan nidaam doorasho oo wakhtiyaysan, si kalsooni loogu qabi karo nidaamka dimuquraadiyada Somaliland.