Xisbiga Waddani Muxuu ka yidhi Qoraalkii Xukuumadda Somaliland?

Hargeysa (Aftahannews)- Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, ayaa waxaa uu si adag uga jawaabay qoraalkii xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi kaga hadashay arrimaha doorashooyinka iyo muddo kordhinta.

Xoghayaha xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi, oo qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka, ayaa sheegay in aan Somaliland loogu yeedhi karin dimuquraadi.

“Aynu daacad noqono daqiiqado, Somaliland dimuquraadig ma ugu yeedhi karnaa, kadib muddo kordhintii sharciga baal marsanayd?, warqadani waxay tusaale u tahay karti la’aanta, isku xidhnaansho la’aanta, is khilaafka iyo beenta” ayuu yidhi Xoghayaha xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi.

Xoghayaha, ayaa waxa uu sheegay in erayada dimuquraadiyad, isla-xisaabtan iyo ku dhaqanka sharciga oo xukuumaddu Somaliland ku amaantay ay yihiin qaar si qaldan loo adeegsaday.

 “Isla xisaabtanka, dimuquraadiyada iyo ku dhaqanka sharcigu, waa saddex kalmadood oo halkan si qaldan loogu isticmaalay”. ayuu sii raaciyay qoraalkiisa.

Xukuumadda Somaliland, ayaa qoraalkeeda Somaliland ku amaantay, dimuquraadiyad, sharci iyo kala danbayn, iyadoo sheegtay in doorashooyinka lagu qaban doono wakhtiga ugu dhakhsaha badan ee ugu macquulsan.