Beesha Caalamka oo War ka soo saartay Muddo-kordhintii Madaxweyne Biixi

Hargeysa (Aftahannews) – Dalalka Beesha Caalamka ee dowladda Somaliland ka taageera arrimaha doorashooyinka, ayaa qoraal ay soo saareen waxaa ay si adag kaga hadleen muddo kordhintii loo sameeyay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Qoraalka ay soo saareen dalalka Beesha Caalamku, ayaa waxaa ay ku sheegeen in loo bahanyahay in doorashooyinka Somaliland loo qabto sida ugu dhakhsaha badan ee ugu macquulsan.

Saaxiibada Beesha Caalamka, ayaa qoraalkooda waxaa ay ku booriyeen xukuumadda Somaliland in ay qabashada doorashooyinka u raacdo habraaca ay guddiga doorashooyinku soo gudbisay.

“Ka dib go’aankii Golaha Guurtida Somaliland ee muddo kordhinta toddobaadkan, saaxiibada caalamiga ah ee la socda geeddi-socodka dimuqraadiyaynta, waxay doonayaan inay hoosta ka xariiqaan muhiimadda ay leedahay geeddi-socod la isku raacsan yahay oo ogolaanaya in sida ugu dhakhsaha badan doorashooyinku u qabsoomaan si waafaqsan tixgalinta farsamo ee ay guddida doorashooyinku dejiyeen”. ayaa lagu yidhi qoraalka Beesha Caalamka.

Waxa ay sidoo kale, Saaxiibada Beesha Caalamku sheegeen in loo bahanyahay in matalayaasha siyaasadu ay ku heshiiyaan nidaam doorasho oo wakhtiyaysan, si kalsooni loogu qabi karo nidaamka dimuquraadiyada Somaliland.

“Mar labaad, waxaanu ku boorinaynaa dhamaan matalaayasha siyaasada Somaliland in ay si wax dhisaysa u wada shaqeeyaan khariidad doorasho oo wakhtiyaysan, si loogu kalsoonaado dimuquraadiyada iyo xasiloonida Somaliland”. ayaa intaa la sii raaciyay qoraalka.

Qoraalkan, ayaa waxaa si wadajir ah u soo saaray: Denmark, Midowga Yurub, Finland, Faransiiska, Jarmalka, Ireland, Talyaaniga, Holland, Norwey, Sweden, Boqortooyada Ingiriiska iyo Mareykanka.Image