Xasan Daahir Aways oo si adag u hadlay Abaabul dagaalna ugu baaqay dhalinyarada Soomaaliyeed

Sheekh Aways waxa uu ugu baaqay Dhalinyarada Soomaaliyeed inay ka gilgishaan Gumaysiga Itoobiya iyo Afrikaanku dalkooda ku hayaan.. “Al-Shabaab inay cadawga Itoobiya la dagaallamaan way ku saxan yihiin ama diida ama yeela.” “Madaxda Puntland, Somaliland iyo Soomaaliya waxay isula yaacayaan Itoobiya oo ah Cadaw dalka haysta..”

“Isaaq waa dawlad, Majeerteen waa dawlad, Raxan-wayn waa dawlad, Hawiye waa dawlad, Ogaadeen waa dawlad…waar waxaasi socon maayaan…” Sh. Xasan Daahir Aways.

Muqdisho(Aftahannews):- Sheekh Xasan Daahir Aways, ayaa si adag uga hadlay in dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya iyo Maamullada wakhtigan ka jira inay gacanta ku hayso dawladda Itoobiya oo uu ku tilmaamay cadaw gumaysi ah oo awood ku haysta Soomaali oo dhan.

Sheekh-Xasan-Daahir-Aweys

Sheekh Xasan Daahir Aways oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya, ayaa si adag ula hadlay Malleeshiyada Al-Shabaab iyo dawladda Itoobiya, kuwaasoo uu ku sheegay inay labadooduba cadaw ku yihiin Shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan-ba.

Halkan hoose ee Aftahan Radio and TV ka dhegayso oo ka daawo warka Sheekh Xasan Daahir Aways oo uu dhinacyo badan kaga hadlayo.

 

Aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland

.