Puntland oo Shaaciyay inay 37 Degmo ka qabanayso Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka

Garoowe (Aftahannews)- Golaha wasiiradda Puntland, ayaa meel mariyay in 37 degmo oo qeyb ka ah degmooyinka Puntland laga qabto doorashooyinka golayaasha deegaanka ee nidaaamka xisbiyada badan.

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Cabdi Faarax Siciid Juxa oo dhawaan la soo magacaabay, ayaa qorshahaan hordhigay shirka golaha wasiirrada ee uu madaxweyne Deni shir guddoominayay.

Doorashooyinkan, ayaa noqonaya wajigii labaad ee  doorashada hal qof iyo hal cod. Iyadoo wajigii hore laga qabtay saddex degmo oo lagu tijaabinayay billowga dimuqraadiyadda Puntland.

Degmooyinka doorashada laga qabanayo, ayaa loo kala saaray heerarka A iyo B, kuwaas oo ay u sii dheer tahay inay buuxiyaan shuruudaha iyo habraaca degmooyinka doorashadu ka dhacayso.

Lama oga sida madaxweyne Deni oo muddo hal sano iyo saddex bilood uga hadhsan yahay muddo xilleedkiisa uu u qaban karo doorashada 37 degmo.

Siyaasiyiinta mucaaradka, ayaa hore u sheegay in madaxweyne Deni uu wado qorshe uu ugu gogol xaadhayo muddo kororsi labo sano ah, iyagoo sheegay inuu dariiq ka dhiganayay doorashooyinka axsaabta badan.