Nuxurka Qoraal dhinacyo badan oo Madaxweynaha Somaliland u gudbiyey Midawga Afrika

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa tilmaamay in meesha kaliya ee Citiraafka Somaliland hor taagani tahay Africa. Waxa uu Madaxweynuhu Sabtidii oo ku beegnayd Maalin ka hor Xuska 18-ka May Qoraal Gar-naqsi ah u gudbiyey Midawga Africa(AU). Waxa uu qoraalkaasi oo qaar ka mida Warbaahinta Caalamiga ahi baahisay Ciwaan uga dhigay “ waa wakhtigii Somaliland loo aqoonsan lahaa dal madax banaan oo xubin ka ah Midawga Africa(‘It’s time to recognise Somaliland as an independent country and AU member’,).

AXMED-SIILAANYO

ETHIOPIA-AFRICANUNION-SUMMIT-UNREST

Madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlaya Saamaynta Marxaladihii Somaliland soo martay ku yeesheen iyo wakhtigan xaalku sida uu yahay waxa uu yidhi “Khasaaraha ka dhashay sannadihii colaadaha lagu jiray, waxay naga dhigeen in aannu noqono dal faqiir ah, laakiin, haddana, waxbarasho bilaash ah ayaannu hirgelinay si carruurtayadu u helaan tacliin. Dhaqaalahayagu si aayar aayar ah ayaa loo dhisay, waxaannu gaadhnay horumar aannu ku faani karno.”

Waxa uu sidoo kale ka hadlay Caqabadaha Citiraaf la’aanta ku soo wajahay Somaliland “Laakiin ictiraaf la’aanta aannu kala kulanay dalalka Afrika iyo beesha caalamka, ayaa naga dhigay mid si khatar ah caqabad ugu noqday horumarka iyo rajooyinka aannu sare ugu qaadi karno nolosha muwaadiniintayada. Waxa kale oo (aqoonsi la’aantu) naga horjoogsatay in aannu helno gargaar caalami ah iyo lacago dayn ah oo aannu ku dhaqaajino horumarka Somaliland. Waxa la naga diiday in aannu ka qaybgalno shirarka lagu gorfeeyo mustaqbalka dalalka Geeska Afrika… Waxaannu ogaannay in aqoonsigayaga laga diiddan yahay oo qudha qaaradayada Afrika,” ayuu Qoraalkiisa ku yidhi Madaxweyne Siilaanyo

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu ka codsaday Midawga Africa Citiraaf wuxuuna yidhi “Ururka Midawga Afrika waxa uu ka dhashay rajooyinka ah sidii dalalka cusub ee wada jirka aaminsan isaga caawin lahaayeen koriinka iyo barwaaqada. 23-kii sanno ee Somaliland jirtay, waxay gaadhay guulo badan iyo waxqabad adag, markaa waxaannu Midawga Afrika ka codsanaynaa fursad lagu oggolaado in Somaliland xubin buuxda ka noqoto ururkooda iyo bulshooyinka kale ee Afrika, waxaananu ka caawin karnaa horumarka guud ahaan qaarada oo dhan.”

Madaxweyne Siilaanyo waxa kale oo uu ka hadlay Xidhiidhka Somalia ay la samaysay Somaliland iyo waxyaabaha ay iska kaashanayaan “Qadiyaddayada aqoonsigu xilligan aad bay uga xooggan tahay sidii ay ahayd sannadkii 2006. Waxa aannu xidhiidh la samaysanay Soomaaliya oo aannu hore isula soo marnay 30 sanno oo midnimo masiibooyin badan ka dhaceen ah, wadahadal baa noo socda, waxaannu ku heshiinay in aannu iskaashi ka yeelano la-dagaalanka argagixisadda, xagjirnimada, budhcad-badeeda, kalluumaysiga sharci-darrada ah, ka hortaga sunta iyo qashinka baddaha lagu shubo iyo dambiyada kale ee khatarta ah.

Iskaashiga noocaas ahina maaha mid faa’iido ugu fadhiya labadayada dal (Somaliland iyo Soomaaliya), laakiin sidoo kale, waxa uu waxtar u yahay mandaqada gobolka oo dhan iyo dunidaba. Dalalka Geeska Afrika waxay noqdeen xudunta ama isha xasilooni-darrada iyo khilaafaadku ka dhashaan, laakiin, Somaliland doorkeeda oo buuxa ma isticmaali karto sidii nabadda iyo xasiloonida loo faafin lahaa, ilaa beesha caalamku noola dhaqanto dal qayb ka ah oo la aqoonsan yahay.”

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.