Somaliland oo ka qayb-gashay Shirka Toddobaadka Shidaalka Afrika

Cape Town (Aftahannews)- Dowladda Somaliland, ayaa waxaa ay ka qayb gashay shirka Toddobaadka Shidaalka Afrika oo ka furmay Magaalada Cape Town ee dalka South Africa.

Shirkan toddobaadka Shidaalka Afrika, ayaa waxaa dowladda Somaliland uga qayb galay Wasiirka Tarmarta iyo Macdanta Somaliland Cabdilaahi Faarax Cabdi iyo Agaasimaha waaxda shidaalka Axmed Iiddan.

Toddobaadka Shidaalka Afrika waxa uu isu keenay dowlado, shirkadaha shidaalka ee dalalka Afrika iyo kuwa caalamiga ah, maal-gashadayaal caalami ah iyo adeeg bixiyayaasha shidaal qodista ee dunnida.

Waxa uu Toddobaadka Shidaalka Afrika dabada ka riixaya gaadhitaanka heshiisyo iyo macaamil ganacsi oo ka dhex socda Afrika oo ay ku lamaan yihiin fursado maal galineed iyo gaadhis heshiisyo waxtar weyn u leh Afrika iyo qaabaynteeda mustaqbalka.

Shirka todobaadka shidaalka Afrika ee ka furmay magaalada Cape town, ayaa waxaa ka qeyb galay doona go’aan gaadhayaasha tamarta ee dowladaha, shirkadaha tamarta caalamiga ah, shirkadaha sahaminta, maalgashadayaasha, iyo adeeg bixiyayaasha, iyadoo sidoo kale ay ka soo qayb galeen in ka badan 1800 ergo, oo kala matalaya in ka badan 80 waddan, oo ay ku jiraan 32 wasiirro dawladeed, 150 wakiillo qaran, iyo 25 shirkado shidaal.

Munaasabadda sannadlaha ah waxaa loogu talagalay in lagu dhiirri geliyo horumarka waara ee Afrika, iyada oo toddobaadka Afrika 2022 diiradda lagu saarayo baahida Afrika si kor loogu qaado kobaca dhaqaalaha, horumarinta adeegga iyo ka saarista malaayiin muwaadiniina faqriga.

Qaybta tamarta Afrika, ayaa weli wajaheysa caqabado waaweyn, iyadoo warbixin dhowaan la soo saaray ay xustay in baahida tamarta ee qaaradda Afrika ay khatar ku tahay inay ka sarreyso sahayda bannaanka.

Safarka Wasiirka Tarmarta iyo Macdanta Somaliland ee Shirka todobaadka shidaalka Afrika, ayaa ku soo beegmaya xilli ay Somaliland ka taagan tahay kor u kac ku yimid Qiimaha lagu iibiyo shidaalka, taas oo saamayn ku yeelatay shacabka oo duruufo adag oo dhanka nolosha ah dalka ka jiraan, isla markaana deegaamo baddan oo dalka ah Abaartu ku laba jirsatay.

    May be an image of 4 people and people standing