Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya Qaraxii shaley ka dhacay Beledweyne

Beledweyne (Aftahannews)- Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, ayaa wali waxaa ka socda hawlgal lagu baadi goobayo dad la la’aa tan iyo shaley, kuwaasoo loo maleynayo iney ku dumeen dhismayaashii ku burburey qaraxyadii saddexda ahaa ee magaaladaasi gilgilay.

Saaka dhismaha hoose ee dowladda, ayaa waxaa laga helay meydka aggaasimihii waaxda dhulka ee dowladda hoose ee magaalada Beledweyne Eng Dhageey.

Dhinaca kale, booliiska, ayaa hawlgal dhinaca amniga ah ka wada magaalada, waxaana la xidhay waddooyinka qaar, iyo buundooyinka.

Xaaladda Beledweyne, ayaa haatan dagan, iyadoo uu adkaa isu socodka qeybo kamid ah ee magaalada.

Xaley fiidnimadii ayey ciidamada ammaanku ay ku soo rogeen Bandow magaalada, isagoo socda illaa iyo maanta.

Gaadiidka, ayaa laga joojiyey iney maraan buundooyinka, iyo sidoo kale iney gaadhaan xarumaha dowlada ee magaalada Beledweyne.

Dad dhawr ah, ayaa loo qabqabtey amaan darada ka jirtay waayadan magaalada, laakiin booliiska ma aanu carab baabin tiradooda.

Sidoo kale, dadkii uu ka burburey dhismayaasha ganacsiga shaley, ayaa maanta tagey goobahoodii, iyagoo quud dareynaya iney wax uun ka hareen hantidoodii.