Al-shabaab oo bilowday inay hubayso qabaa’ilka Shabeellada Dhexe

Muqdiso (Aftahannews)- Ururka Al-shabaab, ayaa deegaanka Masaajid Cali Guduud ee gobolka Shabeellada dhexe ka bilaabay inay abaabulaan oo hubeeyaan qabaa’ilka, si ay dagaal ugala hortagaan ciidanka dowladda Soomaaliya ee ku wajahan dhulka ay Al-Shabaab haysato.

Warbaahinta ku hadasha afka Al-shabaab, ayaa laga sii daayay sawirro iyo muuqaallo laga soo duubay dad lagu sheegay inay yihiin odayaasha dhaqanka beesha Abgaal, iyagoo ku dhawaaqay waxay ugu yeedheen iska caabin dagaaal oo ka dhan ah duullaanka dowladda Soomaaliya.

Al-shabaab, ayaa kulankan u abaabulay, kadib markii beesha Mudulood ay ku dhawaaqday dagaal ay Al-shabaab kaga xoraynayso gobolka Shabeellada dhexe iyo deegaannada kale.

Xildhibaanno iyo saraakiil ciiddan oo kasoo jeeda beeshaas, ayaa horkacaya ciidamo aad u farabadan iyo gaadiid dagaal oo xalay ka tagay magaalada Muqdisho, kuwaas oo gaadhay degmada Cadale.

Ciidamadan, ayaa la filayaa inay billaabaan dagaal ka dhan ah Alshabaab, waxaana loo arkaa abaabulkii ugu xoogganaa ee beesha Muduloood ku doonayso inay Shabaab dhulkeeda uga xorayso, si lamid ah gobolka Hiiraan oo shacabkooda iska xoreeyeen Al-shabaab.