Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka digay inay Soomaaliya noqoto sidii Afghanistan

Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Muqdisho (Aftahannews)- Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Gurmadka Abaaraha, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa sheegay haddii kooxda Al-Shabaab la siiyo fursad ay ku guuleysato inay Soomaaliya ka dhici doonto wixii kal hore ka dhacay Afghanistan.

“Argagixisada (Al-Shabaab) hadii ay naga adkaadaan waxaa na sugaysa sidii Kabul la isugu dilayay diyaarada oo madaxweynaha Afghanistan uu hal subax soo cararay masiirkaasa na sugaya, haddii aan ka adkaanana nabad-galyo, badhaadhe iyo barwaaqo,” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Sidoo kale, waxa uu ku baaqay in xifaaltanka siyaasadeed iyo kala aragti duwanaashaha dhinac la iska dhigo oo loo midoobo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, si lagaga gaadho guul Soomaaliya lagu xoreeyo.

“Dagaalka socda ee lagula jiro argagixisada waa wixii la dhihi jiray kala bax, haddii ay adkaadan iyaga ayuu u hadhaya dalka, haddii laga adkaadana Soomaali ayaa guuleysaneysa marka waa dagaal Soomaaliyeed ee ma aha dagaal Xasan Sheekh, dagaal Xamse iyo mid deegaaneed ma ah, waxa la isku haysta masiirka Soomaali.”

Cabdiraxmaan, ayaa ugu dambeyntiina waxa uu tilmaamay in argagixisada Al-Shabaab ay dadka Soomaaliya ka hortaagan yihiin noloshooda, maal-gashiga iyo wax walba oo Soomaaliya ku horumari karto, sidaas darteed ay waajib tahay in qofkasta u istaago iska dhicintooda.

“Waa soo kabanaynaa laakiin in aan noolaano waxa naga hortaagan argagixisada, qofkii maalgashan lahaa dalka waxa hortaagan argagixiso. Dalkii waxa uu noqday dal u xaniban oo u afduuban argagixiso.”ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cabdishakuur.