Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo cambaareeyay Qaraxyadii ka dhacay Beledweyne

Muqdisho (Aftahannews)- Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa si adag u cambaareeyay qaraxyadii maanta ka dhacay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan isagoo tacsi u diray qoysaska ay dadkooda uga dhinteen qaraxa.

Wuxuu amar ku siiyay wasaaradda caafimaadka iyo hay’addaha dowladda inay gurmad deg deg ah u fidiyaan dadka ku waxyeelloobay qaraxyada.

Ra’iisal Wasaaraha wuxuu sidoo kale ka codsaday shacabka inay sare u qaadaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Wuxuu sidoo kale sheegay in qaraxyadan ay Al-Shabaab uga golleeyihiin “in ay ku niyad jabiyaan dadka u istaagay dagaalkooda”.