Warbaahinta Caalamka oo waxka Qortay dib u dhaca Doorashada Madaxtooyada Somaliland

Hargeysa (Aftahannews)- Warbaahinta Caalamiga ah ee dunida, ayaa wax ka qortay dib u dhaca ku yimid Doorashada Madaxtooyada Somaliland.

Warbaahinta kala ah Reuters oo ah Wakaaladda Wararka ee Adduunka xilligann ugu caansan iyo Bloomberg oo ah Wargeys caan ah, ayaa baahiyey War-bixino la xidhiidha dib u dhaca doorashada Madaxtooyada.

Reuters, waxay sheegtay in doorashada Madaxtooyada oo ku muddaysnayd 13-ka bisha November ee sannadkan 2022 dib loo dhigay muddo 9 bilood ah, sababo Farsamo iyo dhaqaale awgeed ah.

Laakiin, Wakaaladdu waxay sheegtay in inkasta oo doorashooyinka Somaliland dib u dhacan, haddana ay Nabadgalyo tahay, halka Soomaaliya oo ay Madax-banaanideeda kala soo noqotay 1991-kii ay ka taagan tahay dhibaato amni-xumo.

Wargeyska Bloomberg oo fadhigiisu yahay Dalka Ingiriiska, ayaa isaguna sheegay haddii sababta ay doorashadu dib ugu dhacday tahay arrimo dhaqaale la’aaneed ay taasi Somaliland u noqon doonto fursad ay Qaadhaan-bixiyeyaashu ku taageeraan, sida Baanka Adduunka iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee Magaceeda loo soo gaabiyo IMF.

Wargeysku wuxuu qoray in loo baahan yahay In dunidu ay Somaliland ku dhiirigeliso dedaalkeeda dhinaca dimuqraadiyadda iyo qabashada doorashooyin Daah-furan.

Ugu dambayn, Warbaahin laga leeyahay dalka Koonfur Afrika oo iyaduna wax ka qortay dib u dhaca doorashada Madaxtooyada, ayaa dhanka kale iska taagtay Warka la xidhiidha dib u dhaca doorashada, waxaanu soo qaatay sida ay Xisbiyada Mucaaradka ah ee Somaliland u soo dhaweeyeen Go’aanka Komiishanka doorashooyinku ku shaaciyey inaan doorashadu wakhtigeedii ku qabsoomaynin.

Wuxuu sheegay in go’aanka soo dhaweynta ah ee Xisbiyada Mucaaradka ahi ay tilmaan u tahay bisaylka dhinaca dimuqraadiyadda ee Somaliland ka jirta, taasi oo ay kaga duwan tahay dalalka kale ee qaaradda Afrika.