Qaraxyo ka dhacay magaalada Baledweyne iyo Masuuliyiin ku dhintay

Beledweyne (Aftahannews)- Faahfaahino dheeraad ah, ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qaraxyo xoogan oo maanta gilgilay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan kuwaas oo ahaa ismiidaamiin, sida ay shaaciyeen laamaha amnigu.

Qaraxyada oo ahaa laba, ayaa waxaa loo adeegsaday gawaadhi nooca xamuulka qaada, waxaana lagu weeraray xerada Lama Galaay oo ay ku taalla Madaxtooyada HirShabelle.

Dad goobjoogayaal ah, ayaa sheegay in qaraxa koowaad uu ka dhacay afaafka hore ee xarunta, halka qaraxa labaad uu isna ka dhacay gudaha dhismaha la weeraray.

Wararka, ayaa sheegaya in dhimashada ay haatan gaadhayso illaa 10 qof oo isugu jiro mas’uuliyiin, askar iyo dad kale oo shacab ah.

Mas’uuliyiinta geeriyootay waxaa ka mid ah Wasiirkii Caafimaadka HirShabelle Dr. Zakariye Hurre iyo guddoomiye ku xigeenka Maaliyadda iyo Siyaasadda Hiiraan Abuukar Maadeey, halka ay dhaawacyo soo gaadheen taliyaha ciidamada Daraawiishta HirShabelle Axmed Dirir iyo guddoomiye ku xigeenka Maamulka & Maaliyadda degmada Matabaan Cabdikaafi Shire.

Xaaladda, ayaa weli cakiran, waxaana socda tirakoobka khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxyadan oo sidoo kale geystay burbur xoogleh.

Kooxda Al-Shabaab, ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxyadan, waxaana afhayeenka maleeshiyada kooxdan Cabdicasiis Abuu Muscab uu sheegay inay ahaayeen kuwa is-miidaamin ah.

Qaraxyadan, ayaa imanaya saacado kadib markii dowladda Soomaaliya ay sheegtay in hawlgal ay ku dishay Cabdullaahi Nadiir oo ka mid ahaa saraakiisha u sareysa Al-Shabaab, Mareykankuna uu madaxiisa saaray 3 milyan oo dollar.

Mareykanka kama hadal weli inay ka qaybgaleen hawlgalka lagu dilay saraakiisha u sareysa Al-Shabaabka.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaan xaqiijin islamarkaana beenin in la beegsaday Cabdullaahi Nadiir oo sidoo kale loo yaqaan Cabdullaahi Yare.