Faysal Cali Waraabe oo Shaaciyay Tallaabooyin ay qaadayaan, Muddo Kordhinta Kadib

Hargeysa (Aftahannews)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Somaliland ee UCID Eng, Faysal Cali Waraabe, ayaa waxaa uu si adag uga hadlay muddo kordhintii golaha Guurtidu shalay muddo xileedka ay ugu kordhiyeen Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Faysal Cali Waraabe oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa waxaa uu sheegay in aanay jirin sabab sharci oo mudada loogu kordhiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, isagoo sheegay in ay dhacday muddo kordhin aan laga wada tashan.

Guddoomiyaha xisbiga Faysal Cali Waraabe, ayaa sidoo kale sheegay in doorashada madaxtooyada dib loo dhigi karo kali ah, hadii ay jirto amaan daro ama ay abaaro jiraan.

Waxa uu sheegay xiliyadii hore marka muddo kordhinta la samaynayo, laga wada tashan jiray oo dood la galin jiray, lakiin kordhinta madaxweyne Biixi loo sameeyay aan laga watashan oo aan iyaga laga talo galin, wuxuuna ku sifeeyay fitno umada lagu soo dhex tuuray.

Guddoomiye Faysal, ayaa waxa uu sheegay in kordhinta labada sanno ah ee madaxweynaha loo sameeyay anay ahayn wax Somaliland ka socon doono, wuxuuna si lamid ah xisbiga Waddani sheegay in labada xisbi ee mucaaradka ahi aqoonsan doonin xukuumada wixii ka danbeeya 13 November.

Waxa uu intaa ku daray in ay qaadi doonaan talaabooyin ay kaga hortagayaan muddo kordhinta madaxweyhaha, talaabooyinkaas oo ay gadaal ka sheegi doonaan.