Khasaaraha ka dhashay Shilal Gaadhi oo ka dhacay Hargeysa iyo Berbera

Hargeysa (Aftahannews)- Shil gaadhi oo sababay khasaare laxaad leh, ayaa waxaa uu maanta ka dhacay duleedka bari ee magaalada Hargeysa, kadib markii ay isku dhaceen laba gaadhi.

Shilkan oo ka dhacay agagaarka dugsiga Kuweydiga ee magaalada Hargeysa , ayaa waxaa lagu soo waramayaa in ay ku dhaawacmeen ugu yaraan 20 qof kuwaasi oo ahaa Arday waxka barata dugsiga  Kuweydiga.

Shilkan, ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen laba bas oo ka mida ahaa gaadiidka qaada ardayda wax ka barata dugsiga Kuweydiga ee magaalada Hargeysa.

Ardayda ku dhaawacantay shilkan gaadhi, ayaa xaaladooda caafimaad waxaa lagu tacaalayaa cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa.

Geesta kale, waxaa isla maanta duleedka magaaladda Berbera ee xarunta gobolka Saaxil ka dhacay shil gaadhi oo sababay dhaawaca Shan qof.

 Shil gaadhi, ayaana yimid kadib markii uu dhacay gaadhi Bas ah oo kuwa rakaabka qaada oo leedahay shirkada Salaama ee rakaabka u kala u qaada gobollada dalka.

Dhaawaca shanta qof oo ay xaaladoodu aad u culus tahay, ayaa loola cararay Cusbitaalka guud ee magaalada Berbera.

Si kastaba, Shilalka gaadiidka Somaliland, ayaa lagu tilmaamaa in sababaha ugu badan ee keena ay yihiin telifoonka mobile-ka oo dareewalladu isticmaalaan iyagoo gaadhigiina wada, xawliga loo wado gaadhiga iyo taxadar la’aan.