Madax-dhaqameedka Somaliland iyo Puntland oo ka wadahadlay arrimaha amniga

Hargeysa (Aftahannews)- Madax-dhaqameedka Somaliland iyo ka socday Maamul Goboleedka Puntland, ayaa maanta kulan xaasaasi ah ku yeeshay magaalada Hargeysa.

Kulankan labada Madax-dhaqameed ee Somaliland iyo Puntland ay isugu yimaadeen oo ahaa mid hadhimo sharafeed ah, ayaa waxaa fidiyay Suldaanka guud ee Beesha Habar-awal, Suldaan Maxamed Suldaan Axmed Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Diiriye.

Waxaana ka soo qayb galay badi madaxda dhaqanka Hargeysa, Masuuliyiinta gobolka Maroodi-jeex, xubno ka mid ah golaha deegaanka Gabiley iyo Siyaasiyiin.

Kulankan, ayaa waxaa dhanka Puntland ka soo qayb galay Madax-dhaqameed, Ganacsato iyo culimaa udiin uu hoggaaminayay Islaam Maxamuud Islaam Yaasiin.

Waxaana kulankan lagaga hadlay arrimo ku aadan amniga Somaliland iyo Puntland iyo weliba isu socodka labada shacab.