Wasiirkii hore ee Daakhiliga oo Jaaliyadda Somaliland ee Koonfur Afrika kala qaybgalay Xuska 18-ka May

Johannesburg(Aftahannews):- Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Maxamed Nuur Carraale (Duur), ayaa Jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika waxa uu kala qaybglalay dabbaal-degga 23-guurada ka soo wareegtay ku dhawaaqistii gooni-isu-taagga Somaliland 1991-kii oo 18-kii Bishan May dalka iyo waddammo badan oo caalamka ahba laga xusay.

10395843_10152384293558559_983546595691958094_n

10366139_10152384292213559_2719583104680660765_n

10350545_10152384292223559_521426769872181277_n

Dadka reer Somaliland ee isugu jira, Ganacsatada, Culimada, Dhalinyarada, Haweenka iyo Waayeelka Rag iyo Dumarba ah ee ku dhaqan magaalada Johannesburg ee Caasimadda labaad ee dalka Koonfur Afrika, ayaa si fiican ugu dabbaal-degay 23-guurada ka soo wareegtay gooni-isu-taaggooda Qarankooda, iyaga oo muujiyey qiimaha iyo farxadda 18-ka May ay u leedahay guud ahaanba dadweynaha reer Somaliland.

Masuuliyiinta Jaaliyadda reer Somaliland ee Koonfur Afrika, Dhalinyarada iyo Aqoonyahanka reer Somaliland ee Munaasibaddaas ka qaybgalay, ayaa halkaas ka jeediyey hadallo iyo khudbado kala duwan, kuwaasoo intooda badan ay kaga warrameen qiimaha ay 18-ka May u leedahay Jamhuuriyadda Somaliland iyo sida loogu baahan yahay dadkeedu inay weyneeyaan meelkastaba ha joogeene, waxaanay u mahad-celiyeen Jaaliyadda kala duwan iyo Guddiga ay Jaaliyaddu Xuskan qaban-qaabadiisa u saareen oo ay sheegeen inay si fiican u soo diyaariyeen Xafladdan.

Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo isaguna Munaasibaddaa hadal ka jeediyey, ayaa hambalyeeyey dadka reer Somaliland xuska 18-ka May awgeed, isla markaana waxa uu dadka reer Somaliland ee ku dhaqan Koonfur Afrika ku hambalyeeyey ugana mahad-celiyey waddaniyadda ay muujiyeen.

Waxa uu Duur ugu mahad-celiyey Jaaliyadda Koonfur Afrika siday u muujiyeen qaddiyadda gooni-isu-taagga Qarankooda oo 18-kii May 1991-kii madax-bannaanidiisa kala soo noqday dalkii la isku odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaaliya oo ay Somaliland la midawday 1-dii Julay 1960-kii shan cisho ka dib markii ay 26 June 1960-kii xornimada ka qaadatay Boqortooyadii Ingiriiska oo muddo dhawr iyo siddeetan sano ah ka talinaysay Somaliland.

Wasiirkii hore ee arrimaha guduhu Maxamed Nuur Carraale (Duur), waxaa uu Jaaliyadda reer Somaliland ee Koonfur Afrika uga warramay xaaladda dalka gudihiisa ka jirta, heerarka uu marayo dhinacyada nabadgelyada, horumarka adeegyada bulshada oo uu xusay inay kobcayaan marba marka ka dambaysa iyo guud ahaan halka ay dalka iyo dadka Somaliland marayaan wakhtigan. Waxaanu gebogabadii u soo jeediyey inay sidan iyo si ka sii wacan u wayneeyaan xuska 18-ka May.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.