“Farxaan Qoroole wuxuu ahaa geesi ay ka go’nayd in uu Shabaab ka xoreeyo dalkiisa”

Muqdisho (Aftahannews)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka qeyb galay Aaska taliyihii qaybta guud ee booliska gobolka Banaadir, Sarreeye Guuto Farxaan Maxamuud Aadan oo ku geeriyooday dagaalkii kadhacay deeganno ka tirsan Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa tilmaamay in Marxuum Farxaan Maxamuud Qoroole uu ahaa geesi ay ka go’anayd in uu Al- Shabaab ka xoreeyo dalkiisa, wuxuuna sheegay inuu noqday halyay u shahiiday isagoo haya jidka sharafta badan.

“Dadka Soomaaliyeed maanta waxa ay leeyihiin hal cadow oo ay tahay in ay cudud iyo caqliba u mideeyaan. Caqli saliim ah ma aha in aynu aqbalno ficilladooda gumaadka ah. Qofkasta oo Soomaaliyeed waxaa waajib ku ah in uu doorkiisa ka qaato dagaalka ka dhanka argagixisadaas,” ayuu yidhi madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in ay damiir xumo tahay ganacsatada hantidooda sida baadda ah u siiya  Al-shabaab, taasoo uu sheegay inay ku maalgeliyaan dhagarta ay Al-shabaab ku gumaadaan shacabka Soomaaliya ee birmi-gaydada ah.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in ayna dowladdu aqbalayn arrinkaas,  islamarkaana lala xisaabtami cid kasta oo Al-shabaab ku maalgalisa dhaqaale ama siyaabo kale ula macaamisha.