Madaxweyne Biixi oo Muxuu ka yidhi Muddo Kordhinta loo sameeyay?

Hargeysa (Aftahannews)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxaa uu ka hadlay muddo kordhinta labada sano ah ee muddo xileedkiisa loogu daray ee ay saaka u sameeyeen Golaha Guurtida Somaliland.

Madaxweyne Biixi, ayaa sheegay in aanu jirin xeer qeexaya waxa la yeelayo hadii doorashooyinka urruradu wakhtigooda dib uga dhacaan, lakiin xal loo hayo doorashada Madaxweynaha iyo Guurtida.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in hadii xisbiyada wakhtigoodu dhamaado aan loo kordhin karayn, oo ay khasabtahay in doorashadooda la galo, xeerkii mudada loogu kordhin lahaa oo aan jirin awgeed.