Tirada dad ku dhintay qarax kale oo galabta ka dhacay Waddanka Nageria

Alagarno(Aftahannews):- Ugu yaraan todoba iyo toban qof, ayaa ku dhintay weerar maanta gelinkii dambe ka dhacay magaalo ku taalla Waqooyi-bari ee dalka Nigeria oo looga shakisan yahay in ay ka dambeeyeen kooxda Boko Haram.

2014521635362466744376184nigeria

Magaalada Alagarno oo ku taalla gobolka Borno ayaa u dhow halka labada boqol ee gabdhaha Iskuullada ah laga afduubay in ka badan shan tofdobaad ka hor. Waxa uu weerarkani yimi saacado kadib markii laba bombo oo mataano ah ay ku qarxeen magaalada Jos ee gobolka Plateau kaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan boqol iyo siddeed iyo toban qof.

Qaraxyada ay ku dhiniteen ugu yaraan 118-ka qof, waxaa ku dhaawacmay 56 ruux. Qaraxyadan ayaa ka dhacay dhisme weyn oo magaaladaas ku yaalla xilli ay Ciidammada ammaanka iyo kuwo kale oo caalami ah ka wadaan gudaha dalkaas howgallo lagu adkeynayo ammaanka.

Qarax kale oo Axaddii ka dhacay magaalada Kanu oo Waqooyiga dalka Nigeria ku taalla, ayaa lagu dilay afar qof, iyadoo qaraxyadan ay dhaliyeen su’aalo badan oo ku saabsan in Xukuumaddu aanay awood u lahayn inay amniga  dalka xaqiijiso.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.